Dušan Tadić oo ku guuleestay Xiddiga ugu wanaagsanaa Champion-ka todobaadkan

Xiddiga weerarka uga cayaaro kooxda Ajax ee Dušan Tadić ayaa loo doortay laacibka ugu wanaagsanaa UEFA Champions League todobaadkan kulamadii la cayaaray Talaadii iyo Arbacadii Dušan Tadić ayaa uu Real Madrid gool ka dhaliyay sidoo kalena labo gool ku caawiyay kulankii Ajax 4-1 guusha ku gaartay wareega 16-aad Champion-ka lugtiisa labaad.

Dušan Tadić ayaa abaal marinta todobaadlaha laacibka Champion-ka ugu wanaagsan kaga guuleestay cayaartooyda iyagana bandhiga wacan sameeyeen sida Romelu Lukaku (Man United), goolhaye Hugo Lloris (Spurs)  iyo Moussa Marega (FC Porto).