Eden Hazard Oo Ka Hadlay Hadii Guuldaradii Tottenham Ay Kasoo Kabsan Karto Kooxdiis Chelsea

Chelsea ayaa dharbaaxo aad u xanuun badan, waxaa dhabarka uga dhufatay naadiga Tottenham, kulan ciyaareed qayb ka ahaa tartanka Premier League.

Dheeshaan oo ay Blues cidna ka maqneen waxay looga badiyay natiijo dhan 3-1, xili goolasha badankooda laga hoos-bixiyay qaybta koowaad.

Eden Hazard, waxa uu qayb ka ahaa ciyaartoydii Chelsea waqtigaasi garoonka ugu jirtay, isaga oo si cad u sheegay inay kasoo kaban karaan guuldaradaasi.

“Dhulka ayaan ku dhacnay…Balse, uguma aanan dhicin si aad udaran, waxaana ubaahan nahay inaan kasoo kabano, waanu awoodnaa,” ayuu yiri Hazard.

“Waxaan aaminsanahay inaan madaxa sarre usoo qaadi karno, waxaana rajaynayaa inaan sameyno wax kasta oo suurtagal ah,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Ma aanan niyad jabin, balse, waanu ka xumaanay guuldaradda, sababta oo ah waxay ahayd wax aanan ubaahneen,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Eden Hazard.