Elman FC waa kooxda kaliya ee sanadkaan weli ee Soomaaliya ..

Kooxda kubadda cagta Elman Sports Club ayaa sanadkan ku jirta bandhig aad aad u wacan, iyadoo iminka hoggaanka u haysa horyaalka Somali Premier League.

Naadiga lagu naynaaso Jaalayasha ee Elman ayaa ah kooxda kaliya ee aan sanadkan laga adkaan horyaalka Somali Premier League, iyadoo ciyaartay 7 kulan oo ka mid ah horyaalka, waxayna adkaatay 5 kulan, halka ay labo kulan barbaro gashay, taasoo ka dhigan inay haysato dhibco dhan 17-dhibcood.

Wiilasha Elman ayaa sanadkan waxa ay kala dhantaaleen kooxaha kala ah; Jazeera Sports Club, Rajo, Raadsan, Gaadiidka iyo Kooxda ay coltaman ee Horseed, waxayna barbaro la gashay kooxaha kala ah; Heegan iyo Mogdisho City Club.

Elman Sports Club ayaa horyaalka Somali Premier League ugu dambaysay inay ku guuleysato sanadkii 2012-kii xilligaas oo lagu dheelayay garoonka Jaamacadaha ee dhaca degmada Hodan.

Hoggaanka horyaalka inay qabato Kooxda Elman ayay muddo ugu dambeysay, balse sanadkan waa kuwo u heellan iney soo afjaraan abaarta ka haysata hansho la’aan horyaalka oo aysan muddo 9-sano ku guuleysan.

Elman sanadkan waxay ku duullaan tageysa dhowr xiddigo oo kala duwan, sida Anwar Shakunda, Jamaal, Aawoow iyo Meynes, kuwaasoo u suurta galiyay inay hoggaanka horyaalka ay qabtaan.

”Dhamaan ciyaartoyda kooxda Elman, taageerayasha kooxda waxay sanadkan qabteen shaqo aad u adag, rajada sanadkan Kooxda Elman waa inay ku guuleysato horyaalka oo ay muddo ugu dambeysay, waxaan rabaa inaan dhaho waad mahadsantihiin dadaalkiinna halkaas ka sii wada.” Waxaa sidaas yiri guddoomiyaha Kooxda Elman Abdirizak Farah Goroje.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda Elman ayaa kulanka soo aaddan waxay kulan xiiso badan la dheeli doonta naadiga Dekedda kulankaas oo dhici doona maalinta Arbacada ee isbuucan taariikhdu marka ay ku beegan tahay 12/02/2020.

W/Q:Cabdifitaax Nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com