Elman oo difaacan weysey laba Gool oo ay kala Hormareen kooxda Jeenyo

 Kooxda kubada Cagta Elman ayaa difaacan weysey 2 Gool oo ay kala hormareen Naadiga Jeenyo oo ay ladheeleen kulan ka tirsan Horyaalka Soomaaliya waxaana Cayaartu ku dhamaatay bareejo 2-2 ah.

Elman ayaa laba Gool dhalisay qaybta Hore ee Cayaarta waxaana ay soo bandhigeen banooni qurux badan balse ma noqon mid bad baadisa oo ay Guul ku qaataan 2 Rigoore oo laga dhigay ayaana lagu bareejeeyey.

Naadiga Jeenyo oo qaybta labaad Garoonka ku soo galay is badal ayaa layimid laba Gool oo ay ku heleen Rigoorooyin loo dhigay waxaana Rigoorada bareejada dhaliyey Weeraryahanka Cabdicasiis Hoomeey oo ah waayo arag ah in badan ku soo dhex jirey Garoomada.

Macalinka Elman Cabdi Joon oo lahadlay TV ga Astaan ayaa sheegay in uu ka xunyahay in laba Gool laga daba keeno oo ay difaacan waayaan isaga oo sidoo kale diidey in uu cidna ku eedeeyo bareejada ay galeen iyo Rigoorooyinka laga dhigay kooxdiisa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com