Elman-Sports Club Oo Garaacday Heegan Sports Club

Kooxaha kubbadda cagta Elman iyo Heegan ayaa wada ciyaaray kulamadoodii 11aad horyaalka Somalia Premier Leagure xili ciyaareedka 2018-2019.

Qeybta 1aad labada koox ayaa garoonka lasoo galay ciyaar kubada aad u saraysa waxaana nasiinada ka hor lagu kala maray 2-0 oo ay hogaanka ku hayeen xidigaha Elman waxaana u dhaliyay Maxamed Nuur Cusmaan iyo Anwar Sayid Cali, inkastoo goolka dambe uu ahaa gool ku laad mise (Penalty Kick).

Heegan Fc ayaa heshay gool ku laada loo dhigay waxaana ka qasaariyay laacib Sadam Abdulahi.

Markii laysku soo laabtay qeybta 2aad kooxda Heegan ayaa heshay gool laad xor ah ama (Free Kick) waxaana si cajiib u ah u dhaliyay laacib Abdirizak Ali Mohamed.

Garsoore Maxamed Soomaali ayaa caalamada casaanka siiyay laacib Ibraahim Abuna,waxayna ciyaarta kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku qaateen xidigaha jaalayaasha ee Elman Sports Club.

Kulanka waxaa dhex dhexdaadiy garsoore Maxamed Soomaali,Calanhaya 1aad waxa uu ahaa Xamze Xaaji Cabdi,Calanhaya 2aad uu ahaa Suleymaan Bashir Sheekh Cabdi.
W/Q: Maxamed Xuseen Qalinle