Elman VS Heegan- Wax Walba Oo Aad Uga Baahan Tahay Kulanka Adag Ee Somali Premier League

Kooxda kubbadda cagta Elman ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Heegan iyagoo wada dheelidoona kulan cayaareedkii 48-aad horyaalka Somali Premier League 2017-2018 iyo sidoo kale Kulamadii 10-horyaalka

Kooxda Elman kulankeedii ugu dambeeyay horyaalka waxa ay guul daro 2-0 kasoo gaartay dhigeeda Horseed wiilasha Elman Wareega 1-aad, iyagoo cayaaray sagaal kulan waxa ay badiyeen saddex kulan waxaa lagu adkaaday 5-kulan waxayna barbar galeyn hal kulan,iyagoo wajiga horyaalka ku dhameysatay Booska 5-aad ee kala sareynta horyaalka Somali Premier League xili cayaareedka 2017-2018 waxayan keensadeyn wajiga hore 10-dhibcood

Wiilasha Heegan iyagana kulan cayaareedkii ugu dambeeyay Wareega 1-aad horyaalka waxa ay 5-0 ku dharbaaxeyn kooxda Waxool saddex ka mid goolasha waxaa Heegan u dhaliyay dhaliyihii hore Banaadir SC C/Risaaq Cali Maxamed (Cabdiyow) waxaase goolasha kale u dhaliyay xidigaha kala ah C/Casiis Catoosh iyo Xasan Cabdullahi

 

Kooxda Heegan wajiga kowaad horyaalka waxa ay dheeshay sagaal kulan kaliya waxa ay qasaartay hal kulan oo qura waxayna guul daro 1-0 kala kulantay dhigeeda Jeenyo waxa ay barbar gashay afar kulan waxa ayse guulaytsay afar kulan,iyadoo wareega 1-aad ku dhameysatay kaalinta 4-aad ee kala horeynta waxayna aruursatay 16-dhibcood

Kulankii ugu dambeeyay ay labada koox wada cayaareyn horyaalka waxaa 4-1 loogu badiyay wiilasha Elman waxaana kooxda Heegan goolasha u dhaliyay kulanka xidigaha kala Mahad Muxidiin Xaaji iyo Naynazi Ronaldo Yaasiin oo saddeley dhaliyay kulankaa waxaase Elman goolka kaliya u dhaliyay Anwar Sayid Cali (Shakuunda)

Xaqiiqooyinka Cayaarta Ka Hor

-Tababre Robert Mayanja iyo xirfadyahan Naynazi Ronaldo Yaasiin oo u dhashay Uganda ayaa wajahaya kooxdii hore Elman,iyagoo ka dhaqaaqay Bishii May 2017 waxayna waqti ku laabteyn wadankooda hooyo

-Xasan Cali Rooble (Ba’baay) oo 26-sano ku sugnaa Elman ay kulan cayaareedkii labaad ka hor tagaya kooxdiisii hore,isagoo ka tirsan naadiga booliska Soomaaliyeed ee Heegan wuxuuna Ba’baay Sanadkii 2017 koobk Koobka Jeneraal kula soo guleystay kooxda Elman isagoo waqtigaa ahaa kabtanka jaalayasha

-Naynazi Ronaldo Yaasiin oo u dhashay wadanka Uganda xili cayaareedkii 2016-2017 hantay gool dhalinta horyaalka Somalia Premier League ayaa wareega kowaad horyaalka noqday cayaaryahankii ugu horeeyay ee ansixiya saddexlaydii ugu horeesay horyaaka wuxuuna ka dhaliyay kooxdiisa hore Elman

-C/Casiis Maxamed Catoosh oo ah kabtanka kooxda Heegan ayaa Elman ka hortagay kulankiisa labaad,isagoo hogaaminaya naadiga Heegan horayse waxa uu ugu horyimid isagoo ka tirsan kooxaha Dekedda,L.L.P Jeenyo iyo Horseed kuna darso Catoosh in xili cayaareedkii hore hankii Elman ay qabtay ku guulaysiga horyaalka in uu isaga soo af jaray ka dib markii Daqiiqadii 75-aad goolka labaad guusha u dhaliyay kooxdiisii hore Elman kuna xaqiijisay hanashada horyaalka xili cayaareedkii hore 2016-2017

-Tababare Cabdi Joon kooxdiisa Elman wareega kowaad waxa ay guul darooyin kala kulmay inta badan kooxaha waaweyn ee xifaaltanka kala dhaxeeyo inakstoo uu barbar 2-2 la galay naadiga Jeenyo hadana taageerayaasha Elman waxa ay ka warsugayaan waxa uu is badal sameeyo wajiga labaad horyaalka

Is Aragii Ugu Dambeeyay Labada Koox
24/10/2012  Elman    1:3  Heegan
06/07/2012  Heegan  0:3  Elman
20/03/2014  Elman    2:2  Heegan
16/01/2014  Heegan 1:2  Elman
22/05/2015  Heegan 1:1  Elman
20/02/2015  Elman   1:0  Heegan
08/05/2016  Heegan 0:0  Elman
20/03/2017  Elman   0:0  Heegan
18/11/2016  Heegan 0:2  Elman
17/02/2016  Elman    1:1    Heegan
24/01/2018  Heegan 4:1 Elman

SAFAFKA MACQUUL ELMAN:

Goolhaye:

Axmed Maxamed Xuseen(Qacshi)

DAAFACYADA:

Daandii, Shiine Afgooye, Nuur Ibraahim Cali, Liiban Muqtaar

Khadka Dhexe:

Xaajow, Cabdiftaax Awoow, Anwar Shankunda

WEERARKA:

Maxamuud Cabdinuur Mayman, Nuur Iraad, Maxamed Nuur Cismaan

SAFKA MACQUULKA EE HEEGAN:

Goolhaye:

Mustaf Nakuja

DAAFACYADA:

Xasan Cali Rooble, Xasan Siidow Hiloowle, Elias Lubambula, Asad Cabdulaahi

KHADKA DHEXE:

Cumar Qaxtaani, Mahad Saha, Samson Iyke.

Weerarka:

Cabdicasiis Catoosh, Niyanzi Ronaldo, Cabdiraxman Muudey

Ogeysiiska Kulanka

Tartanka: Somali Premier League
Kooxaha: Elman Vs Heegan
Garoonka: Banadir Stadium
Kulanka: 48-aad
Saacada: 3:45 pm

W/Q: Maxamed Xuseen Qalinle

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com