Elman Vs Jeenyo- Wax Waliba Aad Ugu Baahan Tahay Kullankan & Wajiyada Cusub Oo Galabta Iska Hor Imaan Doona

Kooxaha Elman Iyo Jeenyo ayaa galabta ku Ballansan Garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis kullan cayaareed qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Kullankan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kullankii 40-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan sido kale kulamadii 8-aad ee horyaalka.

XAQIIQDA KULLANKAN:

Kooxda kubadda cagta Elman kullankii ugu dambeyay waxey guul 3-0 ka soo gaartay naadiga Otobaarka ee Gaadiidka ciyaar dhacday 9-03-18

Wiilasha Jeenyo Ciyaartii ugu dambeysay waxey guul daro qaraar badan kala soo kulantay kooxda Waxool kadib markii ay logu awood sheegtay 1-0, kullan dhacay 8-03-18.

Naadiga Jaalayasha ee Elman waxey ku jirta kaalinta 5-aad iyado soo ciyaartay 7-kulan waxaa laga soo badiyay 4-ciyaar sido kale waxey badisay 3-kulan taa oo ka dhigan iney heesato 9-dhibcood.

Kooxda Jeenyo waxey fadhisa kaalinta 6-aad ee kala sareynta horyaalka iyado soo ciyaartay 7-kulan waxaa laga soo adkaaday 3-kulan sido kale waxey soo badisay 2- ciyaar halka ay bar baro soo gashay 2-kulan, taa oo la micno ah iney aruursatay 8-dhibcood.

WAJIYADA CUSUB OO GALABTA ISKA HOR IMAAN DOONA:

Wiilasha kala ah Anwar Shankunda, Maxamuud Cabdinuur Mayman, Daandii iyo Cabdiqaadir Shariif Muqtaar Niinje ayaa galabta ka hor imaan doona markii ugu horeysay taariiqda kooxdoode hore ee Jeenyo taa oo waayo qurux badan ku soo qaateyn kooxdan.

Elman galabta waxaa ka soo hor jeesan doona xidigeedii hore e Agoogow kaa uu waqti fiican ku soo qaatay naadiga jaalayasha ee Elman lakiin markan wuxuu sita fanaanada kooxda Jeenyo.

Kabtan Axmed Tahliil ayaa galabta dagaalan adag kala kulmi doona saxiibadiise hore ay isku kooxda ahayen wuxuuna galabta il goone u lahaan doona weerayahanada kala ah maxamuud Cabdi Nuur Mayman iyo Anwar Shakunda.

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

28/02/2017 Jeenyo FC 1 : 1 Elman FC
09/02/2016 Elman FC 1 : 1 Jeenyo FC
02/05/2016 Jeenyo FC 0 : 0 Elman FC
02/02/2015 Elman FC 1 : 1 Jeenyo FC
15/05/2015 Jeenyo FC 0 : 0 Elman FC
01/01/2014 Jeenyo FC 0 : 2 Elman FC
28/02/2014 Elman FC 2 : 5 Jeenyo FC

OGEYSIIS KULLANKA:

Tartanka: Somali Premier League 2017-18
Kooxaha: Elman Vs Jeenyo
Garoonka: Banadir Stadium
Waqtiga Ciyaarta: 3:30

W\Q:Cabdifitaax nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com