England Iyo Italy Oo Bareejo Ku Kala Baxay & Insigne Oo Guul Daro Ka Badbaadiyay Dalkiisa Waqtiga Dhimashada

Kulanka ayaa kusoo dhamaaday 1-1

Xidiga kooxda kubada cagta Napoli, wiilka lagu magacaabo Lorenzo Insigne ayaa wuxuu guul daro uu ka badbaadiyay qarankiisa Talyaaniga, kulankii ay la dheeleen England.

Laacibkaan ayaa wuxuu dhaliyay gool rigoore ahaa, daqiiqadii 87aad ee qeybta labaad, inkastoo England ay ciyaarta hogaanka uhaysay waqti badan.

Jamie Vardy, ayaa hogaanka udhiibay wadankiisa England, isagoona dhaliyay gool daqiiqadii 26aad ee qeybta koowaad, ka hor inta uusan ka beenin Lorenzo Insigne.

Sikastaba, ciyaarta labadaan xul ay wada dheeleen oo ka dhacday garoonka Wambaley ee ku yaala Magaalada London ayaa waxay kusoo dhamaatay bareejo 1-1.

Inta kulanka uu socday Talyaaniga ayaa kubad haysashada ku fiicnaa, waxaana qarankaan uu haysatay Banooniga 51 boqolkiiba halka England uu haysatay 48 boqolkiiba.

Ma jirin, inta kulanka uu socday ama lama bixin Kaar Casaan ah, marka laga reebo saddex jeer oo Kaarka Digniinta ah ama Jaalaha oo loo taagay ciyaartoyda Ingiriiska.

Natiijadaan ayaa waxa aysan u ahayn qaranka Talyaaniga mid fiican, maadaama kulankii kan ka horeeyay oo ay la dheeleen Argentina laga soo badiyay  halka kan ay Bareejo iyaga ay tuugeen, inkastoo ay dadaal fiican ay sameeyeen.

Dhanka kale, England ayaa waxay guul ay soo gaareen kulankii ugu dambeeyay, markaasoo ay 1-0 ay kusoo dharbaaxeen qaranka Holland, waxayna kamid yihiin Saddex-da Libaax ka qeybgalayaasha koobka aduunka 2018, oo Ruushka lagu qabanayo.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com