England mise Croatia? Gerrard Oo Shaaciyay Xulka Laba Cad Laga Dhigi Doono Kulanka Koobka Aduunka

Steven Gerrard, ciyaaryahankii hore ee xulka Ingiriiska, iyo kooxda Liverpool ayaa wuxuu saadaaliyay in wadankiisa uu caawa Labo cad ka dhigi doono dalka Croatia oo uu Koobka Aduunka ku wajihi doono.

Labadaan dal, oo Yurub kawada dhisan ayaa isaga hor-imaan doona kulan ka tirsan wareega afar dhamaadka koobka aduunka, kaasoo dalkii laga badiyo uu gabi ahaanba tartanka isaga hari doono.

Isagoo wareysi siiyay warbaahinta ayaa waxaa Steven Gerrard, uu sheegay in kulankaan uu tijaadda ugu wayn uyahay macalin Gareth Southgate, kaasoo uu tilmaamay inuu sharaf badan u keenay Ingiriiska.

“Waxaan rumeysanahay inuu yahay kulan aad loogu farxo in la daawado. Waana tijaadda ugu adag ee Gareth Southgate. Waxaana rajeynayaa inay garaacaan dhigooda,” ayuu yiri.

“Waxaan usaadaalinayaa in Ingiriisku guuleysan doono, maxaa yeelay waxay haystaan tamar badan. Waxaana ku kalsoonahay inay sameyn doonaan waxaan aaminsanahay.

“Waxay yihiin kuwa si wadajir ah wax u sameynaya, marka England waa khatar marka tartankaan la joogo,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Steven Gerrard oo hadda ah tababare kooxeed.