Ernesto Valverde Oo Ka Fal-celiyay Guushii Muhiimka Ahayd Oo Ay Ka Gaareen Villarreal

Barcelona ayaa 2-0 waxay uga adkaatay dhigeeda Villarreal kulan ciyaareed muhiim ahaa, kaasi oo qayb ka ahaa horyaalka La Liga ee wadanka Spain.

Goolasha ayaa ka kala yimid ciyaartoyda kala ah – Gerard Pique iyo waliba Carles Alena, kuwaasi oo mudadii uu kulanku socday bandhig fiican sameeyay.

Kulanka kadib, Ernesto Valverde oo warbaahinta la hadlay wuxuu shaaca ka qaaday in wiilashiisa ay sameysay muuqaal ciyaareed aad uwanaagsan.

Si gaar ah wuxuu amaan kala dul-dhacay Carles Alena, kaasi oo uu carabka ku dhufay inay hortaalo shaqadda ka badan intii looga baahnaa.

“Kooxda waxay udheeshay si wanaagsan….Waxaana ay sameysay labadda qaybood ee kulanka bandhig ciyaareed aad loogu riyaaqo,” ayuu yiri.

“Carles wuxuu sameeyay wax xoogaa ku filan howlahiisa sida aan inaga ugu baahan nahay joogteynta guusha ayay isaguna u saaran tahay,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray  Ernesto Valverde.