Ernesto Valverde Oo Ka Hadlay Mustaqbalkiisa Barca Iyo Hadii Uu Heshiis Cusub Saxiixayo

Tababaraha naadiga Barcelona, ninka lagu magacaabo Ernesto Valverde ayaa muujiyey kalsoonida uu ku qabo inuu sii haynayo xilka macalinmo ee Bluagrana, inkasta oo ay soo baxayaan warar sheegaya in la eryayo.

“Kama qaybgeli karo, waxay u muuqataa mid i fiican, aniga waxba iima yeelin,” Valverde ayaa yiri, isaga oo hoos u dhigay soo jeedinta.

“Ka dib afar kulan oo aan guuleysan, waxa uu ku jiraa cadaadis waxana uu wajahayaa seddex kulan oo aan caadi aheyn 7da maalmood ee soo socda.

“Waa seddex kulan oo muhim ah, marka hore sababtoo ah waxaan la ciyaareynaa Sevilla kuwaasoo hogaamiyaasha” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Waa markii ugu horeysay tan iyo markii aan imid inaanan sareyn, waa wax ka duwan.

“Ka dib Inter ayaa imaaneysa, waxaan ku ciyaari doonaa kaalinta ugu sareysa kooxda, ka dibna Clasico, taas oo aan ognahay waxa ay la micno tahay.

“Waa wafti aad u qurux badan, waxaanan rajeynayaa in aan,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray tababaraha Barcelona.