Ernesto Valverde Oo Ka Hadlay Siduu U Arko Inaanu Messi Xagaagan Ku Guuleysan Bollon D’oro

Jaa’izadda Bollon D’oro oo ah tan uu ciyaaryahan kata ku hamiyo ayaa warar horudhac oo la helayo waxay sheegayaan inaanu Lionel Messi sanadkaan hanan karin.

Fahfaahinada ayaa intaas ku daraya in Luka Modric uu yahay midka ugu cad-cad ee ku guuleysan doona, kadib bandhig wacan oo uu sameeyay.

Hadaba, waxaa sheekadda ku saabsan inaanu Messi ku guuleysan doonin biladaan wax laag waydiiyay tababaraha Barcelona, ninka lagu magacaabo Ernesto Valverde.

Macalinkaan udhashay wadanka Spain ayaa ku tilmaamay inay noqon doonto wax qariib ah inaanu Messi kasoo muuqan doonin mas-raxa lagu bixinayo biladdani.

“Waxay noqon doontaa wax qariib ah oo lama filaan ah, hadii aanu Messi halkaasi kasoo muuqan,” ayuu Valverde usheegay warbaahinta kahor kulanka La Liga.

“Marka, Messi waa midka dunida ugu wanaagsan, sanad kasta isaga ayaan qabaa inuu hanto,” ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay Ernesto Valverde.