Ernesto Valverde Oo Ka Warbixiyay Xaaladihii Ugu Dambeeyay Ee Dhaawacyadda Ciyaartoyda Barca

Barcelona ayaa waxaa lasoo dareysay walwal dhaawacyo ah, waxaana haatan ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ciyaaryahan Ernesto Valverde.

Macalin Valverde oo warbaahinta u waramay wuxuu sheegay in kooxdiisa aanu marnaba udhutin doonan dhaawacydaasi, ayna sii wadan karaan guulaha.

Macalinka ayaa carabka ku adkeeyay inay xoojin doonan safkooda, isaga oo rajo fiican ka muujiyay Coutinho iyo Rakitic ay taam noqdaan kulanka Arbacada ee Champions League.

“Saddex kulan ayaan dheelnay iyadda oo uusan nala joogin Messi..Dhibaatada dhaawacyaddani oo kale waan ognahay..Waxaana nahay kuwa horey uga socon kara,” ayuu yiri.

“Sida iska cad [Philippe] Coutinho, waa mid taam ah….Balse, waa inaan eeknaa sida ay xaaladda isku bedali karto mar kasta,” ayuu raaciyay.

“Waan arki doonaa tababarka Ivan Rakitic…Balse, mar kasta waxaanu nahay kuwa wax fiican rajaynaya,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Ernesto Valverde.