Ernesto Valverde oo keydka u dhaadhicinaya laacib kaan kulanka caawa Chelsea

Tababare Ernesto Valverde ayaa go’aansaday inuu keyd galiyo laacib muhiim u ah kooxdiisa kulanka caawa  Chelsea

Marca ayaa daaha ka qaaday in tababare Ernesto Valverde uu keydka galin doono markale weerar yahanka reer France ee Ousmane Dembele xili shaki laga muujinayo taam ahaan shaha kabtan Iniesta

Laacib kaan ayaa qaab cayaareed aad loola dhacay soo bandhigay kulankii sabtiga Barcelona ay 2-0 uga adkaatay kooxda Malaga oo ay marti u ahaayeen

Tababare Valverde ayaa keydka dhigay laacib kaan kulankii lugta hore, waxaana la sheegay in sidii oo kale keydka loo galin doono kulanka caawa

Valverde ayaa u arka in kulanka Chelsea uusan ahayn kii Ousmane Dembele maadaama loo baahan yahay xoog iyo difaac isku dheeli tiranImage result for Ernesto Valverde and Ousmane Dembele n

Wuxuuna xooga saarayaa sidii uu kulan kaas u safi lahaa Paulinho iyo Andre Gomes si uu uga faa’idaysto difaacooda marka kooxda weerar lagu yahay

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com