Ernesto Valverde Oo Shaaciyay Walaaca Ugu Wayn Ee Haatan Ay Wajaheyso Kooxdiisa Barcelona

Barcelona ayaa caawa la balansan dhigeeda PSV si ay ula dheesho kulan ciyaareed ka tirsan tartanka xiisaha iyo xamaasada badan ee Champions League.

Ernesto Valverde oo kahor kulankaan warbaahinta la hadlay wuxuu muujiyay walaac ay kooxdiisa ka qabto inay usoo baxdo wareega xiga ee 16-ka, iyaga oo fadhiya booska koowaad.

Sida iska cad, Barca haatan ay soo gudubtay, balse, waxaa nan wali hubin hadii ay kaalinta koowaad ama labaad ay ku dhameysan doonan.

“Waan ognahay muhiimadaha ay kala leeyihiin labadaasi boos…Marka, ma ogin halka aan kusoo bixi karno,” ayuu Valverde u sheegay warbaahinta.

Inter Milan iyo Tottenham ayaa si lamid ah halkaasi u han-qaltaagaya, taasi oo ka dhigan inay calaamad su’aal wayn dul-saaran tahay sheekadaasi.

“Waxaan ku dadaali doonaa inaan halkaasi kusoo baxno…Kulanka PSV ayaana wax kasta ku go’aamin karnaa,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Ernesto Valverde.