Ernesto Valverde Oo Shuruud Ku Xiray Inay Barcelona Saxiixyo Sameyso Suuqa Soo Socda Ee Janaayo

Barcelona ayaa ugu yaraan waxay ubaahan tahay saxiixyo cusub, oo gaaraya saddex, kuwaasi oo ka dheela daafaca iyo Goolhaye lagu xoojiyo midka haatan jooga.

Suuqa ugu soo horeeya wuxuu imaanayaan Janaayo 2019, markaasi oo la filayo inay kooxda suuqa gasho, ayna soo iibsato magacyo kooxda neefiya.

Ernesto Valverde, maamulaha Bluagrana, ayaa aaminsan yahay in kahor talaabada lagu keenayo xidigo cusub ay muhiim tahay in la sameeyo faalo ku saabsan waxay ubaahan yihiin.

Dhaawacyo cusub oo kooxda lasoo darsay waa mid kamid ah sababaha ugu waawayn oo ay kooxdu ugu baahan yahay xidigo cusub, kuwaasi oo wax tar leh.

“Dhaawacyadda way jiraan..Balse, waa inaanu sameyno falanqeyn, si ay wax kasta unoqdaan kuwa hagaagsan,” ayuu hadalkiisa kusii daray Valverde.

“Suuqa Janaayo wuu soo xirmay midkale ayaana noo furmaya…waanu arki doonaa sida ay wax kasta isku bedalaan,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Ernesto Valverde.