Fabio Coentrao Oo Si Cajiib Ah Uga Jawaabay Inuu Debaal-degayo Hadii Uu Real Gool Ka Dhaliyo

Inkastoo uu hal sano uga harsan yahay heshiiska uu Real Madrid, kula jiro ciyaaryahan Fabio Coentrao, hadan wuxuu xidigaan yahay mid dareemaya inuu baaqi kusii ahaado Sporting Clube de Portugal, uuna halkaas kasoo tegin.

Laakiin, laacibkaan dabadka bidix ee daafaca ka dheela, ayaa wuxuu uhayaa Los Blancos, xushmad weyn, laakiin mar la weydiiyay hadii uu kasoo tegayo Sporting Lisbon, wuxuu ku adkeystay inuu halkaan doonayo inuu kubada cagta uga baxo.

“Hadii aad uweydiiso, hadii aan doonayo inaan halkaan joogo, jawaabtu waxay noqoneysaa Haa,” ayuu ku sheegay wareysi dheer kaasoo uu siiyay Wargeyska reer Spain, ee MARCA lagu magacaabo.

“Waxaan rabaa inaan halkaan joogo, sababtoo ah, waxaan halkaan ka helayaa waxyaabo badan oo aan ku farax-sanahay.

“Waan ogahay inaan heshiis kula jiro Real Madrid, waxaana sameyn doonaa waxay iyaga idhahaan, maxaa yeelay waxay ila dhaqmeen si wanaagsan,” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Mar la su’aalay hadii uu ku dabaal-degi hadii uu Real Madrid gool ka dhaliyo ayuu ku jawaabay: “Dabcan, marnaba kuma dabaal-degi doono hadii aan gool ka dhaliyo [Real] Madrid.

“Waxaan uhayaan Real Madrid, xushmad badan, waxayna isiiyeen wax walba, waxaan doonayaa inay wax badan guuleystaan.

“Laakiin, waxaa hada wax wanaagsan ku sameynayaa halkaan, waxaana jeclaan lahaa inaan halkaan sii joogo, inta ka dhiman xirfadeyda oo dhan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Fabio Coentrao.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com