Fabregas Oo Si Cajiib Ah Uga Jawaabay Inuu Dabaaldegayo Hadii Barca Uu Gool Uga Dhaliyo Camp Nou

Cesc Fabregas, ayaa wuxuu si cad usheegay in uusan waxba ka ogayn inuu dabaaldegi doono, hadii uu Barcelona gool kaga dhaliyo Camp Nou, kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka, tartanka xiisaha leh ee Champions League.

Laacibkaan, kaasoo wadanka Spain udhashay ayaa wuxuu kasoo tegay Bluagrana, sanado ka hor, isagoona Stamford Bridge, halkaasoo uu guulo waa weyn ku gaaryo, taasoo ka saaciday inuu noqdo mid kamid ah laf-dhabarada Blues.

Horyaalka Premier League iyo koobab kale, ayuu la qaaday xidigaan kooxdaan Chelsea, taasoo ka dhisan Galbeedka Magaalada London, waxaana sanad ciyaareedkan ay umuuqdaan, kuwa aanan wax qabad fiican soo sameyn.

“Dacaad hadaan uhadlo, uma malaynayo dhamaan arrinkaas, kaliya sanadkaan labo gool ayaan dhaliyay, waana tan iyo hoolkeygii ugu dambeeyay,” ayuu Fabregas ku sheegay wareysi dheer, kaasoo uu siiyay Wargeyska MARCA.

“Waxaa jira dareemo, kuwaasoo waqti xaadirkaan aadan saadaalin karo, qeexitaan ahaan kuma dhihi karo ma dabaaldegi doono, laakiin uma badna inaan sameyn doono,” ayuu hadalkiisa kusii daray xidigii hore ee Arsenal

“Uma malaynayo in booska aan ka dheelo inaan ka heli karo fursadaas oo kale, waxa aan weydiisanayo ayaa ah meel kale

“Marka marnaba ma ogaan kartid waxa kubada cagta ka dhici doona, waxaan rajeynayaa inay dhado, laakiin kuma fikirayo arrinkaas,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Laacibkaan, kaasoo guulo waa weyn lasoo gaaray Barcelona.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com