Falanqeynta- Elman iyo Gaadiidka- Wiilasha Jaalayasha Oo Rabaan Iney Dib Ugu Soo Laabtan Wadada Guusha

kooxaha Elman iyo Gaadiidka ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis ciyaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League.

Ciyaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kullankii 35-aad ee laga dheelayo horyaalka fasal ciyaareedkan 2017-18.

Elman kullankii ugu dambeyay waxey guul daro 4-1 kala soo kullantay naadiga Dhawaan galka ee Batroolka ciyaar dhacday 01-03-18.

Kooxda kubadda cagta Gaadiidka ciyaartii ugu dambeysay waxey bar baro 1-1 la soo gashay kooxda Waxool.

Elman ayaa fadhisa kaalinta 7-aad ee kala sareynta horyaalka iyado leh 6-dhibcood halka ay Gaadiidka ku jirto kaalinta ugu hooseysa ee horyaalka iyado leh 3-dhibcood oo qura.

lixdii kulan ee ugu dambeysay ay labada kooxod isku arkan horyaalka waxaa 3-kamid ah badisay kooxda jaalayasha ee Elman sido kale Gaadiidka ayaa adkaatay 2-kamid ah halka kulanka kale ay bar baro ku kala baxeyn.

IS ARAGA LABADA KOOXOD:

24/02/2017 Elman FC 3 : 1 Gaadiidka FC
08/01/2016 Gaadiidka FC 0 : 1 Elman FC
16/03/2016 Elman FC 0 : 1 Gaadiidka FC
26/02/2015 Gaadiidka FC 0 : 0 Elman FC
28/05/2015 Elman FC 0 : 2 Gaadiidka FC
06/01/2014 Gaadiidka FC 0 : 3 Elman FC

KULANKA:
Tartanka: Somali Premier League
kooxaha: Elman Vs Gaadiidka
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30

W\Q;cabdifitaax nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com