Falanqeynta Kooxaha Premier League-ga ee usoo baxay Champions League iyo kooxaha ay ku aadi karaan oo la ogaaday

Laacib Sports: Habeenkii xalay ahaa waxaa la soo afjaray heerkii groupyada Champions League waxaana hadda la ogyahay dhamaan 16ka kooxood iyo waliba kaalmaha ay ku soo baxeen taas oo sii xaqiijisay kooxuhu qaabka ay iskugu aadi karaan wareega xiga ee Champions League-ga.

Sida Muuqata kooxaha matalayay horyaalka Premier league ayaa u soo wada baxay wareega 16ka Champions league waxayna hadda ka fikirayaan kooxaha ay isku aadka wareega xiga la kulmi karaan. Kooxaha Premier league ayay waqti hore ugu danbaysay in ay so wada gaaraan wareega 16ka.

Hadii aan ku hormarno sharciga muhiimka ah ee lagu saleyn doono isku aadka heerka Group-yada Champions League kaas oo ah kan ay koox kastaaba ku sii ogaan karto kooxaha ay filan karto in ay isku aadka soo socda isku arki karaan Kooxaha.

Dhanka isku aadka wareega 16ka kooxood ee Champions league waxaa hogaamin doona siddeeda kooxood ee kaalinta kowaad kaga soo dhamaysta groupyadooda iyada oo haddaba la ogyahay qaar ka mid ah kooxaha kaalinta kowaad ku dhamaystay.

Arrinta labaad ee muhiimka ah ayaa ah in kooxihii isku Groupka ka soo baxay ayna isku aadka wareega 16ka kooxood isku arki karin waxa kale oo muhiim ah in kooxaha isku wadanka ahi ayna isku aadi karin wareega 16ka kooxood ee wadamada kala duwan ka soo jeeda.

Naadiga Ay Liverpool Ku Aadi Karto Champions league: Barcelona, Borussia Dortmund, FC Porto, Real Madrid Bayern Munich, Juventus

Naadiga Ay Manchester United Ku Aadi Karto Champions league: Barcelona, Borussia Dortmund, FC Porto, Real Madrid, Bayern Munich, PSG.

Naadiga Ay Manchester City Ku Aadi Karto Champions league: Atletico Madrid, Schalke, Ajax ,AS Roma

Naadiga Ay Tottenham Ku Aadi Karto Champions league: Real Madrid, FC Porto, Borussia Dormtund, Bayern Munich , Juventus, PSG.

Ugu dambeyntii Manchester City ayaa ah kooxda Premier league ee haysata fursada ugu wayn waxayna ku aadi kartaa kaliya afar kooxood oo kala ah Atletico Madrid, Schalke, Ajax ,AS Roma waana sababta ay kaalinta kowaad u badbaadisay kooxda Guardiola maadaama oo ay kaalinta labaad ku jiraan saddex kooxood ee Ingiriiska ah iyo waliba Lyon oo ay isku group ah.

Round 8 UEFA Champions League