Falanqeynta kulanka Manchester United iyo Valencia iyo wararkii ugu dambeeyey

Laacib Sports : Naadiga Manchester United ayaa horey u xaqiijisay wareega 16-ka, inkastoo is aragii hore ee kooxahan ay barbaro goolal la’aana ku dhamaatay.

Xaqiiqooyinka Kooxaha laga qoray

Kooxda Manchester United Soo laabashada Bailly ayaa doodi ku jirtaa kulanka ay u safrayaan Arbacada Mestalla, iyadoo afar daafac ay seegeen tababarka kooxda subaxnimadii shalay ahayd.

Ciyaaryahanada kala ah Chris Smalling, Diogo Dalot, Luke Shaw iyo Matteo Darmian wixii yihiin dhammaan ku maqan, sido kale waxaa isna maqan Anthony Martial oo dhaawac ahaan seedi doono.

Naadiga Valencia iyo Manchester United ayaa ku kulmaya markii siddeedaad Champions League – iyadoo kooxda English marnaba aysan guuldarreysan, Lixdii kulan oo ay hore ugu kulmeen tartanka kooxhan ayaa kaliya shan gool oo ay iska dhaliyeen.

Kulanka: Champions League
Goorta: 11:00 pm Xilliga Geeska Afrika
Garsooraha: Georgi Kabakov ( Bulgeria )
Garoonka: Estadio de Mestalla

Champions League - Valencia vs Manchester United