Falanqeynta : Kullanka adag ee u Dhaxeeya Kooxaha Dekedda Vs Batroolka

kooxaha Dekedda iyo Batroolka ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis cayaar qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League

Cayaartan ayaa ah mid aad u xiiso badan waana kullankii 41-aad ee laga dheelayo horyaalka xili cayaareedkan 2017-18

XAQIIQDA KULLANKAN:

Kooxda Kubadda cagta Batroolka kulankii ugu dambeyay waxey bar baro 0-0 la soo gashay kooxda ay isku awooda yihiin ee Madbacada

Naadiga difaacaneysa horyaalka Somali Premier League ee Dekedda cayaartii ugu dambeysay ay soo cayaartay waxey 0-0 la soo gashay kooxda Ciidanka Booliska ee Heegan

Kooxda Batroolka ayaa ku jirta booska 8-aad ee kala sareynta horyaalka iyado leh 8-dhibcood halka Wiilasha uu hogaamiyo Tababare Yuu Cali ay fadhiyan kaalinta 2-aad ee horyaalka waxeyna isku dhibco yihiin hogaamiyasha horyaalka Horseed min 18-dhibcood lakiin kooxda Horseed waxey hogaanka ku heesa farqi gool dhalin

Labadan Kooxod ayaa galabta wada cayaaraya kulankii ugu dambeyay ee wajiga koowad ee horyaalka

Is Aragii Ugu Dambeeyay Dekedda VS Batroolka

12/03/2015 Batroolka FC 0:4 Dekedda SC
11/06/2015 Dekedda SC 5:1 Batroolka FC

Ogeysiiska Kulanka:

Tartanka: Somali Premier League
Kooxaha: Dekedda Fc vs Batroolka
Garoonka: Banadir Stadium
Saacada: 3:30 pm

W/D: Cabdifitaax Nani

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com