Falanqeynta : Kullanka adag ee u Dhaxeeya Kooxaha Heegan Iyo Waxool

Kooxaha Heegan ayaa soo dhawaynaysa dhigeeda Waxool,iyagoo wada cayaaridoona kulan cayaareedkii 42-aad iyo kulamaoodii 9-aad Wareega kowaad horyaalka Somali Premier League 2017-2018

Kooxda Heegan kulan cayaareedkii ugu dambeeyay horyaalka waxa ay barbaro goolal la’aan la dhaafi waasay dhigeeda Dekedda,wiilasha Heegan waxa ay xaadir ku yihiin kaalinta 4-aad ee kala sareynta, horyaalka Somali Premier League sanad cayaareedka 2017-2018 iyagoo leh 13-dhibcood

Naadiga wasaarada Xanaada iyo Xoolaha ee Waxool kulankoodii ugu dambeeyay horyaalka iyagana waxa ay guul daro 3-0 kasoo gaartay naadiga Horseed waxaana
saddexdaas goolaas ka dhaliyay xidigaha kala ah Nuune Hashim Axmed,Xasan Cabdi Nuur Xasaasi iyo Cadaan Barre Ciise oo kawada tirsan Horsed

Wiilasha Waxool kaliya waxa ay guuleysteyn hal kulan waxa ay hada fadhiyaan kaalinta 9-aad ee kala sareynta shaxda horyaalka kubbadda cagta Somali Premier League waxayna lee yihiin 5-dhibcood

Is Aragii U Dambeeyay Kooxaha Heegan VS Waxool
21/02/2017 Heegan S.C 2:0 Waxool FC
05/02/2016 Waxool FC 0:2 Heegan s.C
30/04/2016 Heegan S.C 4:1 Waxool FC

Ogeysiiska Kulanka
Tartanka:-Horyaalka Somali Premier League 2017-2018
Kulankii-42-aad:-Heegan VS Waxool
Maalinta:-Talaado

W/Q: Maxamed Xuseen Qalinle

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com