Falanqeynta : Kullanka Adag ee U Dhaxeeya Kooxaha Horseed Vs Waxool

Kooxaha Horseed Iyo Waxool ayaa galabta ku ballansan garoonka Banadir ee Degmada Cabdicasiis kullan cayaareed qeyb ka ah horyaalka Somali Premier League

Cayaartan ayaa ah mid aad u xiiso waana kullankii 38-aad ee laga dheelayo horyaalka kal cayaareedkan 2017-18

Kooxda Horseed kullankii ugu dambeyay waxey bar baro goolal la’aan la soo gashay kooxda Ciidanka booliska ee Heegan

Naadiga Waxool waxey guul dahabi ah ka soo gaartay kulankii ugu dambeyay kooxda kubadda cagta Jeenyo kadib markii ay 1-0 ugu awood sheegatay

Horseed ayaa hada ku jirta booska 2-aad ee kala sareynta horyaalka hadii ay galabta ka adkaato kooxda Waxool waxey qaban doonta horyaalka oo hada heeso kooxda Dekedda

Wiilasha Waxool ayaa hada fadhiso kaalinta 9-aad hadii ay galabta guul ka gaarto kooxda Horseed waxey imaaneysa kaalinta 7-aad waxey isku dhibco noqonaya kooxda Jeenyo oo leh 8-dhibcood halka Waxool ay leedhahay hada 5-dhibcood.

OGEYSIIS KULLANKA:

TARTANKA: Horyaalka Somali Premier League

KOOXAHA: Horseed Vs Waxool

GAROONKA: Banadir Stadium

SAACADA: 3:30

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com