Falanqeynta: Parma vs juventus- daafaca Matthijs de Ligt, ayaa kulankiisii ugu horeyey u ciyaarayo

Kooxda Juventus ayaa kulankeeda ugu horreeya horyaalka Serie -A xilli ciyaareedka cusub waxa ay u safreysaa Naadiga Parma.

Juventus ayaa caawa marti u noqon doonta kooxda Parma oo ku dhammaystay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay meel saddex dhibcood uun ka sarreysata booska loogu laabto heerka labaad ee horyaalka Talyaaniga.

Kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A ee Juventus ayay u badan tahay inay kulankiisii ugu horreeyey u ciyaaro xiddiga daafaca ee  Matthijs de Ligt, kaasoo ah saxiixoodii ugu qaalisaa xagaaga kaddib markii ay kula soo wareegeen 67.5 milyan oo gini.

Daafacan dhexe ee 19-sano jirka ah ayaa fure u ahaa in kooxdiisii hore ee Ajax ay soo gaartay afar dhammaadka Koobka horyaallada Yurub ee Champions League xili ciyaareedkii la soo dhaafay.

Hordhaca: Parma vs juventus

Saacada: 7:00.

Garsooraha: ​Maresca

Garoonka: Stadio Ennio Tardini (Parma)