Falanqeynta: Soomaaliya iyo Eretrie-Wax ka Ogow Xaqiiqooyinka Ciyaarta

Xulalka dhallinyarada Soomaaliya iyo Eretrie ayaa kulamadooda afaraad ee is arag heer Groupyada ku balasan garoonka kubbadda cagta Asmara.

Xulka 15 Jirada Soomaaliya kulankii u dnabeeyay waxa ay natiijo 2-0 kaga badiyeen dhigooda Sudan waxaana ciyaartaa goolasha u dhaliyay xidigaha kala ah Mahad Cabdiqaadir iyo Cabdullahi Cumar.

Marti geliyaasha tartanka 15 Jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika 2019 ee Eretrie iyagana kulankii u danbeeyay waxa ay guul daro 2-1 kasoo gaartay xidigaha da’yarta Kenya.

Wiilasheena waa u diyaar kulanka waxaan kawada sugaynaa in ay guul kusoo qatimaan ciyaarta u dambeysa ee is araga heerka Groupyada
ayuu ku waramay Cabdiraxmaan Axmed Taree oo ah tababare ku xigeenka xulka dhallinyarada 15 Jirada Soomaaliya.

Tartanka-Cecaf Under 15 2019
Dalalka-Somalia VS Eritrea
Sacaada Kulanka-4:30pm
Garoonka-Asmara Stadium
W/Q:Maxamed Xuseen Qalinle