Falanqeynta:Napoli iyo Juventus-Juve ayaa qasaartay kaliya hal kulan 6-dii kulan ee ugu dambeeyey ee Serie-A

Kooxda Juventus ayaa marti u noqon doonta Napoli kulan lagu kala xaqiijin doono horyaalka Serie A .

Napoli ayaa rigoor wanaagsan ku heysata garoonkeeda marka ay ku la ciyaareyso kooxda Juventus kualmada horyaalka Serie A.

Juventus bartamaha todobaadna waxa ay la ciyaari doontaa kooxda Atletico Madrid kulan ay ku qasabantahay guul , si ay u xaqiijiso soo baxitaan tartanka Champions League .

Napoli ayaa heysata saf xoogan oo ay ka hor geen karto kooxda Juventus kulan cayaareedka caawa .

kaliya waxaa safkooda ka ka maqan xiddiga daafaca dalka Spain ee Raúl Albiol kaas oo qaba dhaawac .

Cristiano Ronaldo ayaa ka bogsaday dhaawac halis ah oo ka soo gaaray canqowga waxaana lowga cabsanayey in uu kulanka seego.

Juventu ayaa sidoo kale la ciyaari doonta kooxda Atletico Madrid kulan ay ku qasbantahay in ay badiso ,marka hala yaabin hadii safkooda kowaad qeyb Kamid ah ay kursiga keydka ku soo bilowdaan .

Kulanka : Napoli VS Juventus 

Garoonka:San paolo

Saacada : 10:30 geeska afrika

Garsoorka: Gianluca Rocchi