Falanqeyta: Juventus vs Bologna -kulan ka tirsan horyaalka Serie A

Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa dib ugu soo laabanaysa caawa ciyaarista horyaalka Serie A kadib ciyaaraha caalamiga ah, waxaana ay soo dhoweynayaan naadiga Bologna.

Hoggaamiyeyaasha horyaalka Serie A ee Juventus ayaa qaabilaya naadiga Bologna iyagoo hal dhibic hoggaanka horyaalka Talyaaniga kaga haya Inter Milan kaddib markii kulankii dhowaa kooxda ay Inter 2-1 ku garaaceen.

Bologna ayaa u safreysa Juventus kaddib markii ay garoonkooda kulankii ugu dambeeyey horyaalka barbaro 2-2 ah kula galeen Lazio.

Hordhaca: Juventus vs Bologna

Saacada: 9:45 

Garoonka: Allianz Stadium

Garsooraha: Massimiliano Irrati (Italy