FALAQEYNTA: Gaadiidka Fc Vs Dekedda Fc- wax waliba aad ugu baahan tahay kulanka Furitanka horyaalka Somali Premier League

Waxaa galabta garoonka Banadir Stadium laga daari doona shumaca tartanka horyaalka Somali Premier League ee 2019-ka.

Sida caadiga ah Horyaalka Somali Premier League waxaa ka qeyb gasha ilaa 10-kooxod oo kala duwan.

Sanadkan waa sanadka xiiso iyo xamaasad badan marka loo eego sanadkii tagay maadama ay kooxaha sameyen saxiixyo kala duwan iyo diyaar garwo xoogan.

Waxaa galabta lagu furaya horyaalka Somali Premier League kooxaha kala ah Gaadiidka iyo Dekedda.

Naadiga Dekedda sanadkii la soo dhaafay iyada ayaa ku guuleysatay horyaalka iyado sanadkan nasiib u yeelatay in ay daah furto horyaalka somali Premier League.

Kuna Darso waana sanadkii labaad oo xiriir ah ay daah fureyso horyaalka Somali Premier League kooxda oo Hogaamiye Macalin Yuu Cali.

KULAMADA AY IS ARKEEN LABADAXA KOOXOOD :

Afartii kulan ee ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkayn horyaalka Somali Premier League waa 2-kamid ah badisay naadiga Dekeda halka labada kulan oo kale ay bar baro ku kala tageyn labada dhinac.

Kooxda Gaadiidka ayaa ku dhiban iney guul ka gaarto kooxda Dekedda marka aan ka cabir qaadano afartii kulan ugu dambeysay ay isk arkaan labada kooxod.

XAQIIQOOYINKA GAADIIDKA FC:

Kooxda Gaadiidka Fc ayaa sanadkan sameysay saxiixyadii ugu badan ay kooxi sameyso waxeyna la soo saxiixatay ilaa 10-ciyaartoy oo kala duwan, waxaana kamid ah xidiga ay la soo wareegtay Sharkey(Jeenyo), Kaanuu (Jeenyo), Shakur Ala(Jeenyo), Direy (Elman), Agoogow(Jeenyo), Baazi Maxamed Baana(Jeenyo), iyo ciyaartoy kale.

Macalin Cumar Caruus ayaa kulankiise ugu horeyay leylin doona kooxda Gaadiidka ama Otobaarka, kulan ka tirsan horyaalka somali Premier League.

Naadiga Gaadiidka kulanka galabta xidig dhaawac ugu maqan ma jirto dhamaan taam aye u yihiin.

XAQIIQOOYINKA DEKEDDA FC:

Naadiga Dekedda kulanka galabta waxaa ka maqnaan doona xidiga lagu magacaabo Zakariye Towfiiq kaa oo dhaawac ka soo gaaray kulankii finaalka koobka Super Cup-ka.

Shakur Ala ayaa galabta ka hor imaan doona kooxdiise hore ee Dekedda isago iminka xiran maaliyada naadiga Gaadiidka.

Dekedda lagama adkaan kulanka furitaanka horyaalka iyado sanadkii tagay ay kulankii furitaanka ay ka adkaatay kooxda Waxool.

Xiddigaha Dekedda waa kuwa niyadooda aad wacan maadama ay ku soo guuleysten koobka Super Cup-ka ee Dalka.

Tartanka; Somali Premier League

Kooxaha: Dekedda Fc Vs Gaadiidka Fc

Taariikhda: 7-02-19

Goobta: Banadir Stadium

Saacada: 3:30