FALAQEYNTA: Heegan iyo Madbacada ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium

Kooxaha Heegan iyo Madbacada ayaa galabta ku balansan garoonka Banadir Stadium ciyaar qeyb ka ah Horyaalka Somali Premier League waana kulankii 3-aad ee laga dheelayo fasal ciyaareedkan 2019.

Kulankan ayaa ah mid aad u xiiso badan labada kooxod waxey wadeyn diyaar garwo xoogan oo ku aadan horyaalka waxeyna galabta ciyaarayan kulankoodii koowad ee horyaalka.

Kooxda ciidan booliska Soomaaliyeed sanadkii la soo dhaafay waxey ku dhameysatay kaalinta 3-aad ee kala sareynta horyaalka halka Madbacada Qaranka ay ku hakatay kaalinta 8-aad ee horyaalka.

Kulankii ugu dambeyay ay labadan kooxod isku arkaan Horyaalka waxaa guul soo gaartay naadiga Madbacada Fc xili ay ugu soo adkaatay 1-0 ciyaar dhacday 10-4-18.

Tartanka: Horyaalka Somali Premier League
Kooxaha: Heegan Vs Madbacada FC
Saacada: 3:30

W/Q:cabdifitaax nani