Fallanqeynta Ciyaarta Xiisaha Badan Ee Barcelona vs Leganes

Barcelona ayaa waxay Camp Nou ay kusoo dhaweyn doontaa dhigeeda Leganes si ay ula dheesho lugta labaad ee kulamada La Liga.

Ciyaartii hore Bluagrana ayaa waxay kusoo awood sheegatay 3-0, markasoo guriga Leganes la joogay, waxaana looga fadhiyaa wiilasha Barca inay kulankaan ay sidaas sameeyaan.

Barca ayaa hadii ay guul ay hesho kulankaan waxay utahay talaabo weyn oo ay uqaaday ku guuleysiga La Liga, maadaama labada Madrid ay Axada is wajahayaan.

WARARKA LABADDA KOOX

Barcelona ayaa waxaa kuankaan si taam ah ugu soo noqday ciyaaryahankeeda Sergio Basquets, kaasoo bedal lagu sameeyay kulankii Champions League ee Roma.

Coutinho ayaa waxaa uu kasoo muuqan karaan ciyaartaan, maadaama uusan dheelin kulamada Champions League, oo uu horey Liverpool ugu soo dheelay.

Lucas Digne, oo daafaca dhexe ka dheela ayaa wuxuu Baarca uga maqnaan doonaa dhaawac, halka Aleix Vidal iyo Yerry Mina, aanan lagu soo darin liiska xidigaha Leganes wajahaysa.

Lionel Messi oo shaki weyn laga gelinayo inuu ciyaartaan dheeli karo ayaa sidoo kale, wuxuu si lamo filaan uga soo muuqday liiska, inkastoo aan la ogayn inuu kusoo bilaaban karo.

Dhanka kale, kooxda Leganes ayaa waxaa ciyaartaan dhaawac uga maqnaan kara Alexander Szymanowski, halka Diego Rico uu ganaax dhulsaaran yahay.

Joseba Zaldua iyo Martín Mantovani ayaa sidoo kale, kooxda Leganes shaki weyn laga gelinayaa inay udheeli karaan, sababo ku aadan inay dhaawacyo ay qabaan.

SHAXDA MACQUULKA AH

BARCELONA: Ter Stegen; Semedo, Piqué, Umtiti, Alba; Dembélé, Paulinho, Rakitic, Coutinho; Messi, Suárez.

LEGANES: Cuéllar; Bustinza, Muñoz, Siovas, García; Gabriel, Gumbau, Eraso; El Zhar, Beauvue, Ramos.

SI KOOBAN

Tartanka: La Liga
Kulanka: Barcelona vs Leganes
Garoonka: Camp Nou
Saacadda: 21:45 [Caweysnimo, Waqtiga Geeska Afrika]