France Football Oo Shaaciyey Liiska Tababarayaasha Ugu Mushaharka Badan Aduunka

Tababarayaasha ugu mushaarka badan aduunka, waxa ugu sarreeya tababaraha Atletico Madrid, Diego Pablo Simeone oo ah shaqsiga aan ahayn ciyaartoyda ee lacagta ugu badan ay kasoo gasho kubadda cagta, waxaana sannadkan dakhligiisa lagu sheegay 40.5 milyan Euro oo inteeda badan ah mushahar iyo gunnooyin uu Atletico Madrid ka qaadanayo.Waxa kusoo xiga tababaraha Inter Milan, Antonio Coonte oo 30 milyan oo Euro helaya, Pep Guardiola oo Manchester City ay siinayso 27.5 milyan Wargeyska France Football oo bilaabay inuu qiimaynta noocan ah sameeyo sannadkii 1999-kii, ma sheegin haddii hakadka ku yimid ciyaaraha ee uu sababay caabuqa Coronavirus uu saamayn ku yeelan doono lacagaha ay ciyaartoydani heli doonaan, hase yeeshee kaliya waxa uu soo bandhigay tirooyinka oo uu ku salleeyey mushaharka uu dhigayo heshiiiska ay kooxaha iyo ciyaartoydani ku wada jiraan, gunnooyinka qandaraaskooda qaybta ka ah iyo heshiisyada xayaysiinta ee ay shirkadaha kula jiraan.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com