Franck Ribery Numberka u xiran doono kooxdiisa cusub ee Fiorentina oo la shaaciyey

Kooxda Fiorentina ee dalka Talyaaniga ayaa xaqiijisay lambarka uu u xiran doono saxiixeeda cusub ee Franck Ribery.

Franck Ribery ayaa kooxdiisa cusub ee Fiorentina u xiran doona xilli ciyaareedkan Nambarka uu caanka ku yahay ee 7-aad kaddib markii uu dhammaystiray ku biiristiisa beeca xorta ah ee kooxda dalka  Talyaani.

Waxaa Ribery loo gacan geliyey Nambarka 7-aad ee Viola, inkastoo xiddiga  ku cusub kooxda ee Erick Pulgar kaliya la siiyay Nambarkaan horraantii bishaan.

Xiddigan dalka France ayaa watay Nambarka 7-aad intii lagu guda jiray 12-kii sano ee uu ku sugnaa kooxda Bayern Munich, halkaasoo uu ku qaaday sagaal koob oo horyaalka Bundesliga ah iyo hal Champions League.

Ribery ayaana Bayern Munich u saftay 425 kulan, waxaana uu u dhaliyey 124 gool, sidoo kalena waxa uu 81 kulan u ciyaaray xulkiisa qaranka Faransiiska, waxaana uu ka caawiyey inay gaaraan Final-kii Koobkii Adduunka ee 2006 oo uu ka qaaday xulka Talyaaniga.

Image result for Franck Ribery fiorentina

Related image

Image result for Franck Ribery fiorentina

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com