Frank Lampard oo macalin Antonio Conte u sheegay shaxda ay tahay inuu caawo ku wajaho Barcelona

Xiddigii  hore kooxda kubada cagta  Chelsea ee Frank Lampard ayaa u sheegay tababaraha kooxda ee Antonio Conte Shaxda ay tahay inuu caawa kala hortago Barcelona oo ay booqanayaan kulan ka tirsan Champions League.

Frank Lampard ayaa u sheegay macalin Antonio Conte inuu iska daayo sagaal beenaadka uu cayaarayey kulamadii ugu dambeeyey, waxaana uu ku taliyey in Alvaro Morata lagu soo bilaabo Safka hore ee Chelsea kulanka caawa ee Barcelona.

Tababaraha dalkaTalyaaniga ayaan cayaarin sagaal toos ah kulankii lugta hore ee ka dhacday garoonka Stamford Bridge sidaas oo kalena Eden Hazard ayaa hoggaaminayay weerarka Naadiga Blues kulankii ay guuldarrada kala kulmeen Manchester United.

Sidoo kale xiddiga  xulka Belgium ayaa ku guuldarreystay inuu gool dhaliyo habeenkaas ayaa Lampard waxa uu rumeysan yahay haddii Blues ay doonayso inay goolal ku dhaliso garoonka Camp Nou caawa ay garoonka ku soo bilowdo weeraryahanka Alvaro Morata.

Qoraal uu ku daabacay wargeyska Evening Standard ayuu Lampard ku sharraxay qaabka ay tahay in Blues ku wajahdo Barcelona, waxaana uu xusay in haddii Chelsea ay guul rabto inay iska deyso sagaal beenaad.

Isagoo Lampard intaa ku daray in kulanka caawa ay tahay in Antonio Conte uu ku soo bilaabo safkiisa hore Morata oo cayaaraya sagaal toos ah, isla markaana ay ka dambeeyaan Eden Hazard iyo Willian, taasoo sahali karta sida uu qabo xiddigii hore ee Chelsea inay Camp Nou ku garaacaan Barcelona. caawa.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com