Frank Leboeuf: Waa Bilaa Ixtiraam, Khiyaanoole Ah Oo Cabasho Badan, Isaga Awgii Ayaan Ugu Farxay Guuldaradii Barcelona.

Difaacii hore ee kooxda Chelsea iyo xulka France ee  Frank Leboeuf ayaa weerar waali ah ku qaaday gool dhaliyaha kooxda Barcelona ee Luis Suarez wuxuuna ku sifeeyay mid aan ixtraam lahayn oo khiyaanoole cabasho badan ah.

Frank Leboeuf oo arimo badan koobsaday isla markaana isku darsaday in uu yahay ciyaartyo hore oo kubbada cagta ah, jilaa iyo waliba falanqeeye kubbada cagta ah ayaa soo bandhigay dareenka xun ee uu u hayo Luis Suarez.

Kadib hab dhaqankii aan fiicnayn ee uu Luis Suarez kala horyimid kooxdiisii hore ee Liverpool,  Frank Leboeuf ayaa dareenkiisa daacadnimada ah oo aanu waxba ka reebin ku soo bandhigay sida uu ugu farxay in Luis Suarez aanu soo gaadhin finalka UCL.

Dhinaca kale Frank Leboeuf  ayaa ku dooday in haddii uu garoon la soo gali lahaa Luis Suarez in aanu u dul qaateen ficilada xun ee uu xidiga reer Urugauay sameeyo oo uu xataa kaadhka cas ku qaadan lahaa.

Frank Leboeuf oo u waramayay RMC Sport ayaa yidhi: “Anigu  in badan ayaan jecelahay Barcelona  laakiin waxaan ku farxay in ayna soo gaadhin finalka sababtoo ah Luis Suarez. Wax nooc kasta oo ixtiraam ah uma hayo ciyartoy isaga oo kale ah”.

“Haa isagu waa ciyaartoy wayn, wuxuuna qaadanayaa waayo ciyaareed oo wayn, laakiin waa khiyaanoole, cabasho badane, waa nin kaas oo aan wax ixitraam ah lahayn” ayuu Frank Leboeuf  hadalkiisa sii raaciyay.

Frank Leboeuf oo Luis Suarez ka sii hadlaya ayaa yidhi: “Anigu garoonka dusiisa iskumaan garab taagi kareen ciyaartoy isaga oo kale ah, waxa uu tusaale xun u yahay dadka da’yarta ah”.

“Wixii uu gacantiisa ku sameeyay kulankii Ghana ee koobka aduunka isagu aad ayuu ugu faraxsanahaa iyo labadii jeer ee uu ciyaartoyda ka soo horjeeday qaniinay”.

Laakiin xidigii hore ee Chelsea iyo France ee Frank Leboeuf  ayaa sharaxay wixii uu samayn lahaa haddii uu Luis Suarez garoon la soo gali lahaa.

Frank Leboeuf oo arintan ka halaya ayaa yidhi: “Haddii uu isagu iga hor iman lahaa, iyagu ciyaarta ayay iga saari lahaayeen, waxaa aniga iyaab galisa in ciyaartoyda isaga ka soo horjeedaa ay u dhiig qabow yihin, waxaan samayn lahaa wax walba oo aan ku hubinayo in aanu ciyaarta dhamaysan”.

Luis Suarez ayaa colaad wayn ka abuurtay jamaahiirtii hore ee kooxdiisa Liverpool kadib markii uu dagaal toos ah la galay dhamaan ciyaartoy kasta oo Liverpool ah oo ay kubbada ama garoonka isku dhex wajaheen labadii kulan ee Champions League