Fursada Chelsea, Sida Ay Barca Ku Dar-dari Karaan & Xidigii Hore Blues De Lucas Oo Saadaaliyey Kulanka Caawa

Quique de Lucas, oo kamid ah xidigihii Chelsea kusoo biiray sanadkii 2003-dii, laakiin mar dambe kasoo dhaqaajiyay Blues, ayaa waxaa uu ka hadlay ciyaarta xiisaha leh, kaasoo uu ka qabsoomi doona caawa garoonka weyn ee Camp Nou, Laacibkaan ayaa wuxuu aaminsan yahay in Barcelona ay tahay kooxda ugu cad-cad inay usoo baxdo wareega Sideed dhamaadka Champions League, inkastoo uu hoos ka xariiqay in Blues ay tahay mid haysata fursado aan buurneen.

Isagoo wareysi dhinacyo badan taabanay siinayay Majalada MARCA, ee wadanka Spain, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in Barca ay caawa isku deyi doonto inay kubadda inta badan ay haysato, taasoo uu sheegay inay dhibaato ku tahay Chelsea.

“Waan arki doonaa sida ay Chelsea u xukumiso kulanka iyo sida aan ufiicnaan karo,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Quique de Lucas.

“Shaki kuma jiro in Chelsea ay tahay mid kasoo talaabsan karta Barcelona, laakiin waxaan ognahay halisaha ka imaan kara Bluagrana iyo ciyaartoydeeda.

“Waxay isku deyi doonan inay wax badan kubada ay haystaan, hadii ay taasi dhacdo waxay ku noqon kartaa Chelsea dhibaato weyn, maxaa yeelay wax walba ayay sameyn karaan.

“Bandhigii labadda koox ee lugtii koowaad ma uusan ahayn mid xun, sidoo kale natiijadda 1-1 ma ahan mid uxun Chelsea, laakiin caawa ayaa wax badan laga sugayaa.

“Chelsea, waxaa looga baahan yahay in caawa ay dheesho kubada daba mareen ah [weeraro rogaal celis ah] waana wada kaliya ee caawa ufuran, sababtoo ah, Barcelona kubada ma kula dagaalami karaan,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay Quique de Lucas.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com