Gaadiidka ayaa gaartay guushii ugu horeesay horyaalka Somali Premier League

kooxda kubada cagta ee Gaadiidka ayaa gaartay guushii ugu horeesay horyaalka Somaliya,ka dib markii ay 2-0 ay kaga badisay kooxda Mad BaCada.

kulankana wuxuu ahaa kulankii 43-aad ee Horyaalka Somaliya laga cayaaro waana kulankii ugu danbeeyay ee cayaaraan wajigaga hore ee horyaalka somali

lacibka lagu magacaabo Kaykay ayaa goolka kowaad u dhaliyay kooxda Gaadoo,halka goolka labaad uu u dhaliyay laacibka lagu magacabao Bille Muxudiin Buraale.

Ugu danbeentii cayaarta,waxa ay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay ku badisay kooxda Gaadiidka.

Guushaan,waxa ay ka dhigantahay Gaadiidka in ay gaartay guushii ugu horeesay horyalaka 8-kulan oo ay horay u soo cayaareen.

Gaadiidka ayaa 9-kulan ay cayaartay wareegga hore ee horyaalka guuleesatay hal jeer sedax jeer kalana bareejo ayee gashay halka ay guuldareesatay shan kulan,waxa ayna wareega hore ku soo gabagabeesay aydoo leh 6-Dhicood

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com