Ganacsade Joan Gaspart Oo Ka Hadlay Hadii Pique Uu Noqon Karo Madaxweynaha Barca

Ganacsadaha reer Spain, ninka lagu magacaabo Joan Gaspart, ayaa wuxuu ka hadlay hadii Gerard Pique uu noqon karo Madaxweynaha Barcelona, sida uu daafacaan marar badan daboolka uu ka qaaday.

Joan Gaspart, ayaa wuxuu horey usoo noqday Madaxweynaha Barcelona, wuxuuna hada yahay mid ku nool dalka Spain, isagoona hada ah mid kamid ah Ganacsadayaasha ugu caansan gudaha wadankaas.

Sikastaba, Joan Gaspart ayaa wuxuu cod dheer ku sheegay in Pique uu noqon karo waxa uu ku haminayo oo ah inuu qabto Xafiiska ugu sareeya Barcelona, isagoona ku sababeeyay inuu yahay mid aqoon badan u leh midaas.

“Pique, waa uu noqon karaa [Isaga] Madaxweynaha Barcelona,” ayuu Joan Gaspart, ku sheegay wareysi uu siiyay Majalada Marca, oo kamid kuwa ugu afka dheer ee kasoo baxa gudaha wadanka Spain.

“Waxaan aqaanaa isaga tan iyo markii uu Caruur ahaa, wuxuuna ganacsigiisa muujinayaa inuu ganacsade fiican, wuxuuna yahay mid aad u fiican,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Joan Gaspart.

Sikastaba, Gerard Pique, oo daafaca dambeedka dhexe uga dheela Barcelona, ayaa wuxuu yahay mid ay iska cadahay mid aanan ku koobneen kubada cagta, isagoona hada leh xarumo ganacsi kuwaasoo isaga gaar u ah.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com