Ganacsade Oprah Winfrey Oo Talo Cajiib Ah Siisay Messi Si Uu Koobka Aduunka Ugu Qaado Dalkiisa

Iyadoo bilooyin ay naga xigto in koobka aduunka laga daaro shuc-ladiisa wadanka Ruushka, ayaa waxaa durba Lionel Messi soo gaaray fariimo dhiiro-gelin u ah xidiga Barcelona.

Mid kamid ah shaqsiyaadka caanka ah ee Lionel Messi fariimaha uu ka helayo waxaa kamid ah Haweeneyda  lagu magacaabo Oprah Winfrey oo wadanka Mareykanka kasoo jeeda.

Iyadoo bixineysay wareysi ku saabsan koobka aduunka ayaa waxay muujisay taageerada waalida ah oo ay uqabto ku guuleystaha shanta bilada xidiga dunida ugu fiican.

“Messi, waa ogtihiin dhamaantiin waxa uu yahay,” ayey hadalkeeda ku bilowday Ganacsadaha caanka ah ee lagu magacaabo Oprah Winfrey.

“Waa inuu u socdaa si qoto dheer, waa inuu dheereeyaa, si uu nafsadiisa usiiyo xoog badan,” ayey hadalkeeda kusii dartay.

“Messi, waa inaad noqotaa dagaalyahan,” ayey hadalkiisa kusoo gaba gabeysay, haweeneydaan taasoo muujisay inay guul urajeyso xidiga Barca.

Dhanka kale, gabadha lagu magacaabo Reese Witherspoon, oo ah Jilaa ka tirsan Shabakadda Hollywood, ee dalka Mareykanka ayaa waxay iyada sheegtay in xidiga Barcelona, uu yahay midka ugu cad-cad inuu qaado koobka aduunka ee 2018.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com