Garsoorayaal Kubada Cagta ah oo shaqo Joojin Sameeyey

Sadex ka mid ah Garsoorayaasha heerka caalami ee dalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay Joojiyeen shaqadii ay hayeen kadib markii sida ay ku doodeen lagu sameeyey musuq maasuq iyo qabyaalad qaabkii ratibaada garsoorka gaar ahaan marka loo baxayo dibada iyo sidoo kale Siminaaro dibada loo aadey oo aan iyaga lagu darin.

Sadexdaan Garsoore oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Soomali Suleeman Sheikh bashiir 
iyo Mahad Cali Max’uud ayaa Waraysiyo ay siiyeen idaacada Maxaliga ah ee Goolfm waxa ay ku sheegeen in gebi ahaan ay joojiyeen shaqadii garsoorenimo iyaga oo eedeyn balaaran u jeediyey Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliya.

Hadaba maxaa keenay in ay xiligaan ku soo beegaan shaqo joojinta isla Markaana ay soo hadal qaadaan in qabyaald lagu sameeyey lagana hor mariyey sida ay hadalka u dhigeen Garsoorayaal ay mar qura wada bilaabeen shaqada Kubaad cagta.

Soomaaliaya Gaar ahaan Kubada Cagta ayaa Sanadihii lasoo dhaafay waxaa u soo baxay Garsoorayaal xirfad wanaagsan leh kuwaas oo dhex dhexaadiya Cayaaraha bariga iyo bartamaha Africa iyo weliba kuwo qaarada Africa ah waxaana jira in dhawaan dhalinyaradaan lagu daray liiska FIFA kaas oo u ahaa iyaga Hor u mar Xirfadooda ay ka gaareen iyaga oo shaqo ka fariisigaan sidaan qiyaasayo uu ka lumin doono furasad weyn oo ay haysteen waase hadii ay dulqaadan lahaayeen balse sida muuqata xeero iyo fandhaal waa kala dheceen hadiiba ay Warbaahinta kahadleen.

Hadii aan kahadlo fikirkeyga iyo aqoonta aan u leeyahay Sportiga waxaan qiyaasayaa in Garsoorayaashaan ay aad ugu deg degeen Go,aanka ay qaateen dibna kaga qooma meyn doonaan waayo waxa kaliya ee ay Xirfad ahaan Samaysteen ayaa ahyd barashada Garsoorka qaarkoodna waxaan hubaa in ay marar badan galeen Safaro dibada ah Gaar ahaa Maxamed Soomaali iyo Saleebaan Bashiir Safaradaas oo ay ku heleen lacago aad uga badan mida ay ka qaataan Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya.

Sidoo kale Garsoorayaashaan sheegay in ay Joojiyeen shaqada kubada Cagta maheli karayaan meel kale oo ay xirfadooda kaga shaqaytaan waayo Xiririka Kubada Cagta Soomaaliya unbaa leh awooda aad ku sii ahaan karto Garsoore Caalami ah ama aad ku aadi karto dibada si aad Cayaaro u soo dhex dhexaadiso marka adiga oo aan haysan meel kale maahan in aad shaqadaada beerdarayso ama katagto kadibna aad darbiyada fariisato.

Qabyaalad.

Sida aan lawada socono inta badan Soomaalida waxaa diloodey Cudurka qabiilka ama qabyaalada laakiin Fikirkeyga qabiil ama qabyaalad kama dhex jiri karto Xirfada Kubada Cagta Gaar ahaan Garsoorka waayo waa wax u baahan aqoon hadii aadan aqoon u lahayna Waxaa ku garanaya Saqiirada yar yar waayo waxaa aad u badanaya qaladaadka aad galeyso iyo sharciyada aad ku tumanayeso oo banaanka ku soo dhigaya.

Sidoo kale Waxaan hubaa in garsoorayaashaan ay aadeen qaarkood Cayaarihii ugu danbeeyey ee lagu qabtay Tanzania iyo Burundi kuwaas oo ay wax ka soo dhex dhexaadiyeen horayna ugama aynaan maqlin haba yaraatee wax cabasho ah kaliya waxaan ku soo baraarugney Go aankan ay qaateen.

Talo ku socota Xiriirka Kubada cagta

Xiriirka kubada Cagta Soomaaliya waxaa la gudboon in ay Sameeyaan dulqaad isla Markaana ay sameeyaan baaritaan qoto dheer oo ku aadan waxa Sababay in Garsoorayaashaan iyaga oo heer Caalami ah isla Markaana Soomaaliya ay ku faaneysey in ay Sameeyaan shaqo joojin isla Markaana ay cadeeyaan Sababta ku kaliftay sax iyo qalad intaba.

Hadiise sida aan ku naqaan Xiriirkeena ay ka aamusaan sheekadaan kana gudbaan cabashadooda iyaga oo ku colaadinaya aragtidooda iyo kahadalka Warbaahinta oo aysan jecleyn waxay noqon doontaa mid aan wanaagsanayn isla Markaana keeneysa shaki badan oo ah in ay jiraan waxyaabaha ay ka cabanayaan garsoorayaasha Kubada Cagta ee shaqada Joojiyey.

W/Q:WQ.Caydiid C.raxmaan Aadan