Garsoore Maxamed Soomaali iska indha tiray qaladkii Catoosh waa in Xiriirku ganaaxaa oo uusan cayaarin kulanka Dakedda

Taageerayasha kooxda kubada  Cagta Dakedaha ayaa ka soo horjeestey in kulanka adage e ay lacayaarayaan kooxda Heegan uu ka hor yimaado Cayaaryahan Catoosh oo kooxdaas horay ugu soo dheeley.

Qaar ka mid ah Taageerayaasha kooxda dakedaha oo waraysi siiyey Shabakedda qalinkacayaaraha.com ayaa shaaca ka qaaday in Garsoorihii kulankii Heegan iyo Horseed oo ahaa Maxamed Soomaali uu iska indho tiray qalad Cadaan ahaa oo uu Sameeyey Cayaaryahan Catoosh kaas oo sixun u dilay Goolhayaha kooxda Horseed oo kubad kaga soo hor maray waxayna ahayd ayey ku doodayaan in Cayaarta laga Saaro ama ugu yaraan lasiiyo Jaale.

Garsoore Maxamed Soomaali ayey ku eedeeyeen in uu ogaa hadii uu Jaale siiyo Cayaaryahan Catoosh in uu Ganaax ku seegi lahaa kulanka Dakedaha maadaama uu qabeyey ayey yiraahdeen 2 Jaale kii sadexaadna uu sii waayey Garsoorihii kulankii Heegan iyo Horseed.

Hadaba Taageerayaasha kooxda dakedaha ayaa ka codsaday Xiriirka Kubada cagta Soomaaliya in ay iyagu ganaaxaan Catoosh isla Markaana Su aalo ay ka weydiiyaan garsoore Maxamed Soomaali Sababta uu u ciqaabi waayey Cayaaryahanka qaladka galay.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com