Gary Neville Iyo Jamie Carragher Oo Soo Xushay Xidiga Ku Guuleysan Kara Xagaagan Mida Sanadka Ee EPL

Khabiiradda shabakadda Sky Sport ee dalka Ingiriiska ayaa waxay u xusheen David Silva inuu ku guuleysan kara laacibka sanada ee Premier League fasal ciyaareedkan.

Wiilkaan udhashay dalka Spain ayaa dhowaan ku dhawaaqay inuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah, kadib markii dalkiisa si niyad jab leh uga soo haray Koobka Aduuna 2018.

Gary Neville iyo Jamie Carragher ayaa rumeysan in Silva uu haatan haysta fursad maadama uu dhaawacmay Kevin De Bruney uu sarre ukac xoog leh sameyn karo.

“Waxaan aragnaa laacibiin dhowr ah oo biladaan qaadi karta, balse, kadib bandhigiisa kulankii  Huddersfield waxay ila tahay inuu isaga hanan karo,” ayuu yiri Jamie Carragher.

Dhanka kale,  Gary Neville ayaa isana dhankiisa raaciyay: “David Silva waa ciyaaryahan leh farsamo gaar ah, marka ma jirto cid kale oo aan siin lahaa.

David Silva ayaa wuxuu ka caawiyay Manchester City inay ku guuleysato xagaagii hore Premeir League, inkasta oo uusan noqon xidigii ugu wacnaa garoonka.