Gary Neville Oo Shaaciyay Xidigaha Ka Dheela Lamberka 10aad Ee Ugu Adkaa Ee Uu Ka Hortago

Daafacii hore ee Manchester United, kaasi oo haatan ah Fallanqeeye ka tirsan Sky Sport, wuxuu shaaca ka qaaday in ciyaaryahanada ka dheesha Lamberka 10aad midkii ugu adkaa ee uu ka hortago ama uu wajaho.

Gary Neville, oo waxbarashadda meel wacan ka gaarey, ayaa wuxuusan fahfaahin dheeri ah ka bixin, qaabka uu xidiga uu soo xushay ku yimid, iyo hadii uu yahay midkii ugu adkaa ee uu wajaho.

Wiilkaan udhashay wadanka Ingiriiska ayaa soo maray kooxo kale oo Yurub ka dhisan, isaga oo naadiyadaasi lasoo gaarey guulal waawayn oo kala duwan, xili lagu xasuusto inuu yahay daafac aad xariif u ah.

“Waxa uu noqon karaa Eric Cantona” ayuu ku jawaabay markii la su’aalay Cray, ciyaaryahanka khadka dhexe gaar ahaan Lamberka 10aad ee ugu adkaa oo uu wajaho ama uu ka garab ciyaaro.

Hadalkaan ayuu sheegay Gary Neville intii lagu gudajiray fallanqeyn dheer uu ka bixinyay ciyaarta adag ee Axadda maanta ah dhex-mareysa kooxaha Arsenal iyo Tottenham, taasi oo si wayn loo sugayo.

Kulan ciyaareedkan oo ka dhacay qalcadda Gunners-ka ayaa la filayaa inay soo bandhigaan kooxuhu muuqaal ciyaareed waali ah, kaasi oo mid kasta oo labadooda kamid ah uu rabo inuu guul ku helo.