Gianfranco Zola oo sheegay sababta uu Premier League u noqday kan ugu fiican Yurub

Halyeeyga reer Talyaani ee Gianfranco Zola ayaa u arka in horyaalka Premier League uu haatan ka xoogan yahay kan Serie A ee dalka Talyaaniga, sababa la xiriira dhowr arrimood, oo ay ku jiraan dhaqaalaha iyo farsamada.

Laacibkii hore kooxda kubadda cagta Chelsea ee Gianfranco Zola ayaa wareysi uu ku bixiyay “Tuttosport” ee dalka Talyaaniga wuxuu ku sheegay:

“Haatan horyaalka Premier League waa kan ugu fiican Yurub.”

“Horyaalka Ingariiska waa kan ugu awooda badan dhanka farsamada iyo dhaqaalaha, waxaana uu noqday madal loogu talagalay ciyaartoyda ugu fiican.”

“Dabayaaqadii sagaashameeyadii iyo horraantii labada kun, horyaalka Talyaaniga ayaa ahaa kan ugu fiican.”

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com