Gianluigi Buffon Oo Amaan Kala Dul-dhacay Liverpool Xili Ay Dharbaaxo Kala Kulantay PSG

Liverpool iyo PSG oo wada dheelay kulan ka tirsanaa Champions League, xili kooxda dheesha EPL dharbaaxo 2-1 ay kala kulantay dhigeeda wadanka Faransiiska.

Kulanka, ciyaaryahan Gianluigi Buffon oo shabaqa ugu jiray PSG, kaasi oo warbaahinta la hadlay wuxuu tilmaamay in Reds ay muujisay bandhig wanaag.

Buffon ayaa kalsooni xoogan wuxuu ka muujiyay in kooxdiisa ay sii wadato ciyaarteeda qurux badan, inkasta oo uu qiray inay wajihi doonan caqabado kala duwan.

“Liverpool waxay nala dheeshay kubad adag…Inaga waxaan ahayn kuwa fagta hore wax kasta oo gabagabeeyay…Balse si fiican uma aanan nasan,” ayuu qiray.

“Sababtu waxay tahay weerarkooda halista ah..Daqiiqad kasta waxay abuuri karaan halis ay gool ku dhaliyaan…Marka ma aysan jirin nasiino badan,” ayuu xusay.

“PSG waxay sanadkaan dooneysaa inay sameyso taariikh, waxaana ku farax-sanahay inaan wadadeena hayno,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Gianluigi Buffon.