Gooldhalinta Kabaha Dahabka Ee Horyaalada Qaarada Yurub – Premier League & La Liga Oo La Ceebeystay

Tartanka gooldhalinta kabaha dahabka ee horyaalada  Qaarada Yurub ayaa meel xiiso leh maraya iyadoo horyaalka Serie A ay weli calanka u sido halka horyaalka Bundesliga ay weli tartan adag ku jiraan marka loo eego Premier League iyo La Liga.

Kabta Dahabka Yurub ee European Golden Shoe waxaa la siiyaa xiddiga ugu goolasha badan horyaalada Yurub, iyadoo goolasha dhibco lagu bixiyo.

Goolasha laga dhaliyo shanta horyaal ee ugu waa weyn Yurub goolkiiba waa 2 dhibcood halka kuwa xiga uu goolkiiba yahay 1.5 dhibcood.

Weeraryahanka kooxda Lazio Ciro Immobile ayaa hogaaminaya gooldhalinta horyaalka Yurub isagoo uruursaday 50 dhibcood ka dib 25 gool uu ka dhaliyay horyaalka Serie A.

Waxaa ku soo xiga xiddiga Bayern Munich Lewandowski oo 44 dhibcood leh ka dib 22 gool uu ka dhaliyay goryaalka Jarmalka ee Bundesliga, halka xiddiga kale ee Bundesliga ka ciyaara Timo Werner uu ku jiro kaalinta 3aad isagoo 20 gool u dhaliyay kooxdiisa RB Leipzig.

Waxaa afaraad ku jira Erling Haaland oo RB Salzburg iyo Borussia Dortmund u ciyaaray xilli ciyaareedkan wuxuu dhaliyay 23 gool laakiin dhibcihiisa waa 38 dhibcood madaama goolasha RB Salzburg ay goolkiiba u dhiganto 1.5 dhibcood.

Xiddiga Juventus Cristiano Ronaldo oo dhaliyay 19 gool ayay 38 dhibcood wadagaan Haaland. Waxaa ku xiga xiddigaha horyaalka Premier League Jamie Vardy iyo Sergio Aguero halka kaalinta 8aad uu ku jiro xiddiga Inter Milan Romelu Lukaku iyadoo xiddiga Monaco Ben Yedder uu sagaalaad ku jiro, waxaana booska 10aad fadhiya Lionel Messi.

KALA SAREYNTA TARTANKA KABTA DAHABKA:

1. Ciro Immobile (Lazio)
25 gool. 50 dhibcood.

2. Robert Lewandowski (Bayern Munich)
22 gool. 44 dhibcood.

3. Timo Werner (RB Leipzig)
20 gool. 40 dhibcood.

4. Erling Haaland (RB Salzburg/Borussia Dortmund)
23 gool. 38 dhicbood. *Haalandwuxuu 16 gool u dhaliyay Salzburg iyadoo goolkiiba uu u dhigmo 1.5 halka uu Dortmund u dhaliyay 7 gool oo goolkiiba uu u dhigmo labo dhibcood.

4. Cristiano Ronaldo (Juventus)
19 gool. 38 dhibcood.

6. Jamie Vardy (Leicester City)
17 gool. 34 dhibcood.

7. Sergio Agüero (Manchester City)
16 gool. 32 dhibcood.

7. Romelu Lukaku (Inter Milan)
16 gool. 32 dhibcood.

Advertisements

9. Wissam Ben Yedder (Monaco)
15 gool. 30 dhibcood

10. Lionel Messi (Barcelona)
14 gool. 28 dhibcood.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com