Gooldhaliyihii hore ee kooxaha Elaman Iyo jeenyo ayaa bandhig waali ah ka sameenaya kooxda Horseed

Gooldhaliyihii hore kooxaha Elaman Iyo jeenyo ayaa bandhig waali ah ka sameenaya saaxada kubada cagta gaar ahaan kooxda cawa iyo maalin ee Horseed.

Mayman ayaa shabaqa gaaray seddax jeer labo kulan ugu horeysay kooxda kubadda cagta Horseed,waxana uu ka kala ansixiyey kooxaha Jamhuuriye oo uu labo gool ka dhaliyey iyo naadiga Saxafi Fc uu ka ansixiyey hal gool.

Garablaha naadiga Horseed ayaa rikoorkani horay u dhigay xiligii uu ku sugnaa kooxda Jenyo,asigoo labadii kulan ugu horeysay 3- gool u dhaliyay xili markaas oo ka dhaliyay kooxaha Banadir Sports Club iyo Horseed oo iminka ka tirsan yahay.

Maxmuud Cabdi Nuur (Mayman) ayaa haatan kasoo kabsanaya dhaawac kusoo laa laabtay kuwaa hoos u dhac ku keenay gool dhalintiisa waalida ah,waxana haatan u sameenaya ciyaaro cajiib ah .

Kooxda Cawa iyo Maalin ayaa u soo baxaday wareega sideed dhamaadka koobka Jenaral Da’uud,ayadoo kulankeeda ugu horeeya galabta garoonka koonis kula ciyaari doonta kooxda Midnimo,kaa oo la filayo in uu kasoo muuqday Laacibkan.

Si kastaba Mayman Waa mid kamid ah xidigaha ugu xawaaraha badan horyaalka Somali Premier League.

W\Q:Cabdifitaax Nani