Goolhaye De Gea Oo Fariin Hanjabaad Ah U Diray Ronaldo Iyo Sababta Oo La Ogaaday

Goolhayaha xulka qaranka kubada cagta Spain ee David De Gea ayaa wuxuu usheegay Cristiano Ronaldo in ciyaartoyda Real Madrid ee Spain ay ujixin-jixi doonin marka ay ku kulmaan Koobka Aduunka.

Spain iyo Portugal ayaa waxay isaga hor imaan doonaa kulanka furitaanka ee Koobka Aduunka 2018, kaasoo dhici doona maalinta Jimcaha ah ee Isbuucaan, xili tartanka uu furmayo Berri.

De Gea oo ka hor kulankaan wareysi siiyay Majaladda MARCA ee dalka Spain ayaa tilmaamay in inkasta oo uu Ronaldo uu yahay xidig halis ah, hadana ay guusha wax walba usameyn doonan.

“Cristiano Ronaldo, waa xaqiiqo inuu yahay midka kaliya oo ay ku hubeysan tahay Portugal, balse, waxaan ognahay inaan inaguna haysano ciyaaryahano joojin kara,” ayuu yiri De Gea.

“Dabcan, waa jira xidigo ay isku koox yihiin, laakiin waxaa ognahay in si aan uguuleysano aan cidna ugu turi doonin.

“Waxaan ku farax-sanahay sida aan nahay, iyo qaabka aan halkaan ku imaanay, waxaana filaynaa inaan guuleysano.

“Si aan u guuleysano, waxaan ubaahan nahay inaan udheelo qaabka aan inaga leenahay,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay, Shabaq-illaaliyaha naadiga Manchester United ee David De Gea.