Goolhaye Kepa Oo Faah-faahiyay Sababtii Uu Isaga Diiday Ku Biirista Real & Cida Kula Talisay

Kepa Arrizabalaga, oo ah Goolhayaha kooxda kubada cagta Athletic Bilbao, ee wadanka Spain, ayaa wuxuu sharaxaad dheeraad ah uu ka bixiyay sababtii uu isaga diiday inuu kusoo biiro Real Madrid, ka hor inta uusan qandaraas cusub usaxiixin naadigiisa.

Laacibkaan oo wadanka Spain dhashay ayaa waxaa si weyn loo hadalhayey inuu Los Blancos kusoo biiro, waxaana la aamisan yahay in tababare Zidane uu qeyb ka ahaa in xidigaan uusan Madrid kusoo biirin, isagoona doonayey in suuqa Agoosto uu wax badan bixiyo.

Bishii Janaayo ee lasoo dhaafayey, markaasoo uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa waxay ahayd markii ay taagneed hadalhaynta ku saabsan, laacibkaan, iyadoona waqtigaas uu kamid ahaa xidigaha ugu hadalheynta badan suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Sikastaba, Kepa Arrizabalaga oo wareysi siiyay xalay saqdii dhexe, Barnaamij-ka El Larguero, oo ka baxa Idaacad Maxali ah oo Spain ku taal ayaa sheegay in qoyskiisa, saaxiibadiisa iyo shaqsiyaad kale ay ya ku qanciyeen in uusan Los Blancos aadin.

“Waxay ahayd waqti xaad u adag iyo waliba mid kamid ah go’aamadii ugu cuslaa ee aan qaato si aan usii wato mihnadeyda kubada cagta,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay Da’yarkaan shabaqa ilaalinta xariifka ku ah, islamarkaana soo koroya.

“Aakhiritaankii, waxaan talooyin badan ka helay qoyska, asxaabteyda iigu ah iyo shaqsiyaad kale, kuwaasoo iigu qanciyay inaan halkaan joogo, waxaana hada dareemayaa farxad, waxaana doonayaa inaan horey usii socdo,” ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Sikastaba, goolhaye Kepa Arrizabalaga, ayaa wuxuu hadda kula jiraa kooxda Athletic Bilbao Sideed sano oo qandaraas ah, isagoona inta ka dhiman xiligaas mushaar ahaan uga qaadan doonaa kooxdaan aduun lacageed dhan 3.1 Milyan oo Yuuroo.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com