Goolhaye Real Ay Dooneyso Oo Yiri: “Markii Aan Maqlay Warkaan Mobalkeyga Waan Damiyay”

Inkastoo uu qirtay inuu aad ula yaabay markii uu maqlay inay dooneyso Real Madrid, hadana wuxuu sheegay Goolhaye dhalinyarada ah ee Karlo Letica in hada uusan diyaar ua ahayn inuu hada ku biiro Los Blancos.

Shabaq-waardiyeeyahaan reer Croatia, wuxuu yahay mid da’yar, isagoona muuqaal ciyaareed fiican ku qaadanaya kooxdiisa Hajduk Split, halkaasoo uu hada ka haysto dookha koowaad, uuna kulan walba kusoo bilowdo.

Wargeyska MARCA, ee kasoo baxa dalka Spain ayaa horey ubaahiyey sheekada ku aadan in Madrid ay dooneyso wiilkaan, kaasoo ay macquul tahay inuu kamid noqdo, liiska xulka Croatia koobka aduunka 2018 ku mataleysa.

“Markii aan ka arkay Bajka hore ee [Majalada] MARCA, waxa aniga leyga sheegayo, Telafoonkeyga waan dansaday,” ayuu yiri Goolhaye Karlo Letica.

“Waa run, inaan aad ula yaabay warkaas,” ayuu hadalkiisa kusii daray, laacibkaan mustaqbalka fiican ku leh mihnada kubada cagta.

Wuxuu kusoo gaba gabeeyay hadalkiisa: “Waqtigaan la joogo, ma doonayo inaan wax badan aan ka hadlo, waana inoo mar kale.

Sikastaba ha ahaatee, hadalkaan kasoo yeeray, Goolhayahaan ayaa wuxuu niyad jab weyn uu ku yahay maamulka sare ee Real Madrid, maadaama ay u arkaan laacibkaan mid loolan ka geli kara Keylow Navas, inkastoo ay baahi weyn uqabin.

Social Media Auto Publish Powered By : XYZScripts.com